³²±°¯¯±±±±±±±±±±±±±±±±±±±±±±±±±±±±±±

 

TAARIIKHDA FAQAY DIINI & MANSABADDA AY…

 

 

          Xaaji Shuceyb wuxuu ka dhashay qoys culumo ah wuxuuna ahaa daaci ugu yeera dadka diinta, wuxuu ahaa sheekh karaamo leh oo la sheegay inuu halkii weeso ama dahaaro uu ku dukan jiray shanta salaadood.

 

         Xaaji Shuceyb wuxuu safar uu ku yimid deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe isagoo daaci ah oo dadka baraaya diintooda, wuxuu markii dambe uu degay meel lagu magacaabo “Dhiilduug” oo wax yar laamiga dhanka galbeed kaga began, halkaas oo uu ka waday inuu dadka baro diinta, inay Ilaahay ka cabsadaan oo ay salaada ku dadaalaan.

 

        Wuxuu markii dambe uu si rasmi ah u aas-aasay tuulo lagu magacaabo “Jimeeco Macruuf” oo laamiga dhanka qorax ka soo bax kaga began, oo u dhow Jimeeco Misra.

 

        Tuuladaas “Jimeeco macruuf” ilaa & iminka waa meel aad caan u ah, in kastoo aanan la deganeen iminka oo ay baaba’ady, halkaan laguma soo koobi karo taarikhda Sheekh Shuceyb karaamadiisa  & waxa uu diinta islaamka u soo qabtay.

 

         Sheekh Bashiir oo isna ahaa wiilka sheekh Shuceyb ayaa kaalin aad u weyn ka soo qaatay diinta, wuxuuna ahaa sheekh taqi ah oo weliba aad deeqsi u ah, wuxuu aas-aasay tuulo lagu magacaabo “Jimeeco Sh. Bashiir” oo 30 km galbeed kaga began  magaalada Jowhar, tuuladaas ayaa ilaa iyo iminka ah mid caan ah oo aad looga yaqaano Soomaaliya.

 

          Sheekh Bashiir wuxuu dadka ugu yeeri jiray inay Alle ka baqaan oo salaada ku dadaalaan, waxayna dadka degan tuulada Jimeeco Sh. Bashiir ay yihiin dad wanaagsan oo ahlu salaad ah,  waana dad beeraaleey ah oo xalaasha quuta.

 

Jimeeco sh. Bashiir waxay dhisan tahay muddo ku dhow hal qarni, dadka degan tuuulada ilaa & iminka waa dad aan salaada marna ka tagin oo aad isugu xiran oo is kaalmeeya mar walba,  taas oo ay aad & aad uga duwan yihiin dadka kale ee degan tuulooyinka ku dhow ee ku yaala agagaarkeeda, taana waxay ku timid dadaalkii uu sameeyey Sheekh Bashiir & baridii uu dadka baray diinta, Ilaahay ha u naxariisto sh. Bashiir, sh. Shuceyb & dhamaan culumadii kaalinta weyn ka soo qaadatay barida & soo gaarsiinta dadka diinta. (Aamiin).

 

 

        Xaaji Shuceyb wax uu dhalay waxaa hada ka joogto oo kaliya Caasho X. Shuceyb, halka Sheekh Bashiir wax uu dhalay ay ka joogaan shan wiil & gabar oo kala ah, xaaji Xanafi, Sheekh C/ladhiif, Sheekh Haaruun, C/kariin  Yaxye, iyo Ruqiyo.

 

''''''''''''''''''''''''''''

 

TAHNIYAD

 

            Axmed rashiid X. Xanafi, Shuceyb Sh. C/ladhiif, C/qaadir X. Xanafi, Ibraahim Sh. Haaruun, C/kariim Sh. Bashiir, C/rashiid X. Muxumed, Col. Shuceyb Sh. C/laahi, Sahro X. xanafi, Bintow Sh. Haaruun, Safiyo Sh. C/ladhiif, Maryan Sh. C/ladhiif, Shariifo Sh. C/ladhiif, Daynabo Sh. C/ladhiif, Sahro Sh. C/ladhiif, C/laahi Sh. C/ladhiif, Batuulo X. Xanafi, Maymuun Sh. C/laahi, Muumino Sh. Haaruun, Xaliimo Sh. Haaruun, Saciido Sh. C/raxmaan, Khadiijo Sh. C/raxmaan, Khadiijo Sh. C/ladhiif, Xabiibo X. Xanafi, Xaawo X. Xanafi, Shariifo Sh. C/laahi, & Faadumo Sh. C/laahi, waxay hambalyo & tahniyad u dirayaan Maxamed Sh. C/ladhiif & Shukri C/kariin oo dhowaan  ku aqal galay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada jungale ee degmada Yaaqshiid waxayna leeyihiin noqda kuwii isku waara ubad qayr qabana kala hela, Aamiin Aamiin.

 

HAMBALYO

 

Cali Daahir X. Xanafi, Maxamed Nuur Dhaqane, Cali daahir Cusmaan Muudeey, C/raxmaan dhayiib, Qaasim Sh. Haaruun, Ismaaciil X. Xanafi, C/salaan X. Xanafi, C/laahi Dhayiib, Axmed daahir Sh. Haaruun, Maxamed Amiin X. Xanafi, Yaxye Sh. Bashiir, C/samad Sh. C/laahi, Nuur Sh. Axmed, Mustaf C/laahi, C/casiis Sh. C/laahi, Suleymaan Sh. C/raxmaan, Maxamed Cabdi Siidoow, Maxamed Dhayiib, Maxamed Cabdi Faarax, & Ilyaas Cumar  waxay tahniyad & hambalyo u dirayaan arooska & aroosada Maxamed C/ladhiif & shukri C/kariin oo dhowaan ku aqal galay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada Jungale, waxayna Ilaahay uga baryayaan inuu siiyo ubad wanaagsan oo dadkiisa, diintiisa & weliba dalkiisa wax tara oo anfaca, Aamiin Aamiin …

 
OGEYSIIS

 

                                             Ma dooneysaa Xayeeysiis dhab ah,

Ma dooneysaa daabacaad aad & aad u sareeysa, hadaba hadii aad rabto oo ay jawaabtaadu tahay “HAA” horay u gaar xafiiska wargeyska FAQAY PRESS oo ku yaala inta u dhaxeeysa Baar Ubax & Black sea, wuxuu dhinaca midig ka saaran yahay wadada, waxaana halkaas diyaar kugu ah oo kugu soo dhoweyn doona maamulaha wargeyska FAQAY PRESS Mr. C/kariim Sheekh bashiir, ee ha moogaan. Kala xiriir wixii faahfaahin ah telefoonka lambarkiisu yahay 43461

 

OGEYSIIS

 

Waxaa dhamaan dadweynaha aqrista wargeyska FAQAY PRESS lala socodsiinayaa in wargeyska uu leeyahay web site aad ka aqrisan kartaan aqbaaraadka, cinwaankiisuna waa www.faqaypress.8m.com,

Waxaa kala soo xiriiri kartaan wargeyska e-mailka cinwaankiisu yahay faqaypress@hotmail.com, ama tifaftiraha wargeyska oo ah e-mailkiisa faqidiin@yahoo.com, maxamedjr@hotmail.com, maxamedit@hotmail.com, maxamed4@lycos.com   

 
OGEYSIIS

 

ALFAJR SCHOOL

     Waxaa la ogeysiinayaa ardayda wax ka barata dugsiga hoose/dhexe & sare ee Alfajr in dugsigu uu qaban doono xaflad qalin jebin ah, maalinta arbacada ee soo socota kuna began 10-05-2002 hadaba ardayda waxaa laga codsanayaa inay si nidaamsan ay uga soo qayb galaan isla markaana waqtiga ay dhowraan.

 


Calanyohow walhanayaa adaan kuu walwalayaaye
Wallaahaan ku dhaartaye kuuma ogi wiilal kuu maqane
Waddankaad ku dheeraan lahayd waa la iibsadaye!

Calanyahoo ha dhicin hana dheelin weligaa dhisnoow!

                                                                                                                                                

 

           

 Return Home