WELCOME TO ALBASHIIR WEBSITE

Home

KU SOO DHOWAADA GURIGEYGA

 Walaalayaal ku soo dhowaada gurigeyga aan internetka ka sameeyey, waa guri aad u xiiso badan oo aan rajeynaayo in aad ka heli doontaan, waxaan mar walba aan ku riyoon jiray ama aan ku faraxsanaa in mar uun guri ku yeesho hoyga internetka oo noqotay waayadaan dambe farsamada casriga ah ee maanta dunida ay ku wada xiriirto iskuna dhaafsada fikradahooda taas oo loo yaqaano “Information Technology”.

  Shaqo adag & dadaal dheer waxaan ku guuleystay oo aan dhisay gurigaan yar kaas oo aan rajeynaayo in aad ku soo bixin doontaan booqasho, inkastoo ay tahay markii iigu horeeysay oo aan dhiso guri aan ku leeyahay internetka waxaan isku dayay inaan idiin qanciyo oo aad ku faraxdaan inta aad ku dhex jirtaan oo aad booqaneysaan gurigeyga.

Gurigeyga wuxuu ka kooban yahay qodobo aad u badan oo xiiso leh sida aad ku aragtaan, wuxuu idiinka saacidayaa in aad wax ka ogaataan taariikhda wadankeena ee Soomaaliya & asal ahaan meesha ay ka soo jeedaan, waxaa kale uu idiin siinayaa aqbaaraad ku saabsan xagga siyaasada, dhaqaalaha iyo ciidamada waagii aan dawlada lahayn,   waxaa kale oo uu gurigeyga idiin sahlayaa oo uu links la leeyahay  guryo kale “other home pages” kuwaas oo iyagana idiinka haqab tiri doona warar badan oo dalkeena ku saabsan, hadaba waxaan idiin leeyahay mar kale ku soo dhowaada gurigeyga, ha is martiyeenina minika minikiina waayo, waxa kaliya oo aad u baahan tahay waa in aad riixdo oo aad doorato qodobka aad ka hesho, gambarka qaado oo fariiso, istariix oo noqo mid faraxsan, cabitaan kulul iyo mid qaboow maxaa cabeysaan?, qaxwo, shaah, & isbarmuuto wax doorta, laakiin waxaan doonayaa inaan ogaado taladiina & fikradiina aad ka qabtaan gurigeyga, saxiixa buuga martida inta aadan bixin idinkoo aad u mahadsan.

Hello Brothers and sisters welcome to my homepage, it is very interesting and cool place, I hope that you will all enjoy your visit to my homepage, I have always admired and delighted by this new and fantastic way of communication so I have decided that I shouldn't be left out.

 After hard work I have finally succeeded and built this little home in the hope that you will pay a visit to it, although it is my first time to design a homepage I have tried my best to satisfy and make you happy while you are surfing into it.

 My homepage is covered a lot of interesting things as you can see it, it is history about our Somalis, Politics, Economy, Army which we had, furthermore it has links to other web pages that will provide you current news about Somalia, you just need to choose and click the topic you most interest, it is easy so feel free all of you, it is just like your own home, so take a seat, relax, enjoy and have a cold and hot drinks, let me know your suggestions and complaints about my homepage by signing my guest book. 

 

View My Guest Book                        Sign My Guest Book

 

About Me
Faqi Family 
Faqi Photos
Faqi Press
ZamZam Foundation
Somalia
Politics
Economy
Army
-
Hiiraan Online
Dayniile.com
Somalinet.com
Hiiraan Today
Balcad.com
HornAfrik Online
Somali  Government
Marka  cadeey
Banaadir
Somalitalk.com
BBC Soomaali